Boqolaal Muslimiin Ah Oo Dhimasho & Dhawaac Ku Noqday Duqaymo Culus Oo Ka Dhacay Suuriya

Dimishiq (Raacdo.com):- Diyaaradaha Nidaamka Nuseyriga ee Bashaar Al-Asad ayaa duqeymo sababay khasaare baaxad leh waxay ka geysteen deggaanno ka tirsan Gobolka Xalab ee ku yaalla Waqooyiga dalka Suuriya.

Wararka dalkaas ka imanaya waxay sheegayaan inay geeriyoodeen in kabadan Boqol ruux, ayna dhaawacmeen dad ka badan 200 oo kale markii Diyaaradaha Bashaar Al-Asad ay duqeeyeen goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo ku yaalla degmooyinka Diir Xaafir iyo Al-Baab ee ka tirsan Gobolka Xalab.

Dhimashada ugu badan waxay ka dhacday Suuq Khudaarta lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada lagu magacaabo Al-Baab, waxaana halkaas ku dhintay Sideetan ruux oo ay ku jiraan tiro badan oo dumar iyo Carruur ah, sida ay goob joogayaashu u sheegeen Warbaahinta.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Diyaaradaha Dowladda Saliibiga ee Ruushku in iyaguna duqeymo ka geysteen deggaanno ka tirsan Gobolka Xalab, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare duqeymahaasi ay sababeen, inkastoo aan weli lasoo sheegin tirada rasmiga ah ee duqeymahaasi wax ku noqday. Diyaaradaha Ruushku waxay sidoo kale duqeymo ka geysteen Gobollada Laadiqiyah, Idlib iyo Xammaah.

Dhinaca kale xoogag ka tirsan Kacdoon-wadayaasha oo ka jawaabaya faro-gelinta ay Dowladda Ruushku kusoo sameysay dalka Suuriya ayaa duqeymo ku garaacay saldhig ay ka duullaan diyaaradaha Dagaalka oo ku yaalla Gobolka Laadiqiyah. Saldhiggaas Milleteri wuxuu mudooyinkii dambe fadhiisin u ahaa Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Saliibiga ee Ruushka.

Xukuumadda Mosko ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday inay billaabeyso weerarro xagga cirka ah oo ay ku taageereyso Nidaamka Bashaar Al-Asad ee sii liicaya, waxaana duqeymihii ugu dambeeyay ee Diyaaradaha Dagaalka ee Ruushku ay geysteen ay khasaare badan u geysteen dadka rayidka ah ee ku nool Gobollada Ximis iyo Xammaah ee badhtamaha dalka Suuriya.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *