Booliska Kenya Oo Heegan La Geliyey Kadib Markii Laga Digay Weerarro Culus Oo Kusoo Waajahan

Nairobi (Raacdo.com):- Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray digniino khatar badan muujinaya oo ku aadan in mujaahidiinta Al-Shabaab ay qorsheynayaan weerarro dhiig badan uu ku daato in ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Afhayeenka booliska dalka Kenya George Kinoti ayaa sheegay in xubno ka mid ah Al-Shabab ay gudaha u soo galeen Kenya ayna abaabulayaan weerarro argagaxiso sida uu hadalka u dhigay.

Khalkhal xaga amaanka ah ayaa guud ahaan camimay xafiisyada laamaha amniga dowladda kenya, iyagoo shacabkooda kiristaanka ah ugu baaqay in ay feejignaadaan.

Horey mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerarro dad badan lagu laayay ka geystay gudaha dalka kenya, iyagoo madaxda Xarakadu ay ku goodiyeen in ay sii socon doonaan inta ciidamadoodu ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *