Booliska Dalka Jarmalka Oo Xabsiga U Taxaabay Dhalinyaro U Badan Qaxooti Soomaali Ah Iyo Muhaajiriin Kale

Booliska dalka Jarmalka ayaa gacanta kusoo dhigay 1000-qof oo muhaajiriin sharci dara ah ku joogay dalkaasi kuwaasi oo sanadii tagtay laga qab qabtat gawaari ay saarnaayeen.

Jariidada Beyled oo Isniinle ah ayaa sheegtay in saraakiisha amaanka sanadkii tagay ay gacanta ku dhigeen 4520-qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo sharci daro ku joogay Jarmalka,baro ciidamadaasi ay dadka ku baaraan ayaa laga qab qabtay dadkaasi oo qaarkood watay warqado been abuur ah.
Sida Jariidada ay xuseyso tobaneeyo qof ayaa hada waxaa ku soconaya baritaan la xiriira in ay xiriir la leeyihiin waxa reer galbeedku ugu yeraan argagexiso.
Jariidada oo dadkaasi wadamada ay kasoo jedaan ka hadlaysay waxa ay tilmaamtay in dadkaasi ay ka yimaaden badankooda Soomaaliya,Suuriya,Erateriya,Serbia iyo Ukrain.
Soomaalida la qabtay ayaa qaarkood waxaa lagu heestaa dambi la xiriira joogitaanka dalkaasi halka kuwa kalana ay galeen tobaneeyada qof ee saraakishu ku wadaan baaritaan ku aadan suurta galnimada in ay xiriir la leeyihiin Al-qaeda.”



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *