Bashaar Al-Asad Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Ruushka.

Moscow (Raacdo.com):- Aqalka Kremlinka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Hogaamiyaha Nidaamka Nuseyriyada ee Suuriya uu maalintii Salaasada booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, isagoo kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi Vladimir Putin.
Labada Hogaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka Suuriya iyo duqeymaha ay diyaararadaha Dagaalka ee Ruushku ka wadaan dalkaasi, iyadoo Bashaar Al-Asad uu Xukuumadda Moscow uga mahad-celiyay taageerada ay siinayaan Nidaamkiisa taagta daran.
Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee Bashaar Al-Asad uu ku tago meel ka baxsan dalka Suuriya, tan iyo intii sanadkii 2011-kii uu dalkaasi ka bilowaday kacdoonka hubeysan ee lagu doonayo in lagu rido Nidaamka uu madaxweynaha ka yahay ee dhiigyo-cabka ah.
Saddex todobaad ka hor ayay diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Ruushku duqeymo dhanka cirka ah ka bilaabeen gobollo ka tirsan dalka Suuriya, iyadoo Boqollaal Ruux oo Muslimiin ah ay ku naf-waayeen duqeymahaasi waxashnimada ah ee ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee dowladdaasi.
Maalintii shalay ayay Diyaaradaha Ruushku geysteen mid ka mid ah xasuuqyadii ugu darnaa ee ay ku kacaan tan iyo intii duqeymuhu ay billowdeen. In kabadan 50 ruux ayaa ku dhintay duqeyntii shalay ka dhacday Gobolka Laadiqiyah ee ku taalla galbeedka dalka Suuriya.
Dhinaca kalena Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in duqeymaha Suuriya ay ka wadaan ay ku beegsanayaan waxa uu ugu yeedhay “kooxo Argagixiso” ah oo  doonaya in dalkaasi ay ka dhigtaan saldhig ay kaga duulaan dalal kale oo ku yaalla bariga dhexe iyo wadamo kale oo Caalamka ka tirsan.
Putin wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan weerarrada xagga cirka ah ee ay ku taagarayaan Nidaamka Nuseryiga ah ee uu hogaamiyo Bashaar Al-Asad, tan iyo inta ay Ciidamada Nidaamkaas ay awood u yeelanayaan in dib u qabsadaan gobolladii hore looga soo saaray.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *