Awr Markii Horeba Dheelliyayey Oo Haddana Dhinac Laga Raray!!! W/Q: A. A. Ciidle.

Guubiskii madow dhegaha way ugu gammuuraane

Waana geela bacawgii si baa loo gol leeyahaye

Garruudkii hayin ahaa marbuu raran gubyoodaaye

Gurgurshaa maroor loogu xidhay caynka ganaciisa

Kolba gibisha wa inuu rogaa galangalcoobaaye.

************

Tii gurracan geddaan idhi haddaad ula gawaan raacdo

Golxobbay murtidu yeelan iyo leeb gammuunno ahe

Mana weydo guutooyin iyo gaasas daafaca e

War yaan xeel gaggaabani ku badin goog’o iyo tuure

Ka gud bohosha yuu laydh gurxamay kugu galaydhyayne.

Cabdillaahi Macallin Axmed Cismaan “Dhoodaan”, – Abwaan, Qaryaan, Xidaar iyo Af yaqaan ku talax tegay tiraabta Soomaaliga.

Tan iyo waqtigii aynu lasoo noqonay madax banaannideena 18-kii Bishii Meey Ee sannadii 1991kii, Somaliland Maraaxil kala duwan ayay soo martay, xaallado abaareed, dhaqaale xumo, cuno-qabatayn iyo xilliyo adag ayaa ku gedaamnaa bulshada oo sida maanta 100% ka itaal-darnayd. Waxaa intaa u dheeraa colaado sokeeye iyo dagaal beelleedyo amniga khalkhal geliyey, intaas oo dhanna waxaa dheeraa oo siyaasiyiin is hirdiyayaa bulshada ku kala qaybiyeen xaaladdo siyaasadeed oo mararka qaar midi-midi ku taag gaadhayay.

Waxaas marba xaalad soo taagnaa waxaa uu hogaamiye kasta oo Somaliland soomaray uu kaga dabbaashay isaga iyo waayo aragnimadiisa siyaasadeed iyo heerka daacadnimada uu ka taagan yahay, ama si kale haddaan u dhigo lexejeclada uu ka qabo shacbigiisa nasiibku baday isaga.

Waxay soomaalidu tidhaahdaa “Meyd Maxaa u dembeeyey iyo kaas la sii sido ayaa u dembeeyey!!!, waxaa hadda Somaliland ka taagan xaalad adag oo ah qawad siyaasadeed ama cadaaladeed oo ka soo yeedhaya dadka aynu kula bahawnay Somaliland, gaar ahaan beelaha aan Isaaqa ahayn ee inagula bahoobay Somaliland-nimada, kuwaasi oo u badan beellaha darafyada ee reer Somaliland iyo waliba beello ku dhex dhaqan beelaha Isaaqa oo iyaguna aad uga guuxaya cadaallad darro ay ka tirsanayaan xukuumada Somaliland.

Waxaa cidkasta oo jecel Somaliland aanay dafiri Karin in xukuumada waqtigan jirtaa aanay samayn miisaan siyaasdeed oo lagu dhaqo beelaha Somaliland xaga ay taas badalkeedana ka qaadatay siyaasad fogayn ah iyo madaxwaynaha Somaalilnd oo beeshiisa Isaaqa u tolay shaadh aad u le’eg oo mid cadaallad darro iyo dulmi, marka aad dib u milicsato siyaasadii madaxwaynahii geeriyooday ee Maxamad X. Ibraahim Cigaal uu u isticmaalay siyaasad aad isagu dheeli-tiran. Tusaale ahaan Wasiirul-maalliyaha waxaa Xukuumadda Marxuumka ugu magacawnaa wasiirro ka soo jeeda gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland sida , Maxamuud Cabdi Dhimbiil {Galbeedi} Iyo Maxamed Siciid Maxamed {Gees} oo kasoo jeeda gobollada bariga Somaliland. Waxaa iyadana ka mid ahaa wasiirrada arimaha dibada, gaashaandhiga, waxbarashada iyo kuwo kale oo kasoo jeeday bariga iyo galbeedka Somaliland sida Maxamuud Saalax Nuur [Fagadhe] iyo Cali Qoor-seef, oo ka soo jeeday gobollada bariga Somaliland, isla xukuumadii ku xigtay ee madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin oo kasoo jeeday gobolka Awdal waxaa uu saamiyadii qaybsiga siiyay beelaha Somaliland, waxa haddaba xusid mudan xukuumaddan Hadda haysa talada dalka ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Hoggaamiyo oo ah xukuumadii la siiyay taageerada ugu faraha badan ee lagu doorto dawlad soo martay Somaliland oo laga filayay marka loo eego ninka dirawalka ka ah xukuumadda oo lagu tirin jiray nin waayo arag u ah arrimaha siyaasadda oo lagu dhawaaqi jiray inuu  muddo ku siman 50 sannadood oo uu siyaasada arrimaha soomaalida kusoo jiray, arrimaha Somaliland-na kala fududahay baal dacar ayaa bilawgiiba waxaa uu dhan ka raray Awr kolkii horeba dhan ka rarnaa, waxaanu soo dhigay xukuumad ay ka muuqato kala tagii dadwaynaha reer soomali land oo gabi ahaanba ay ka madhan yihiin beellahii darifyada.

Iyagoo tirsanaya xurma darro aan loo sinayn wax ka sheegga iyo u sinaanta dawladnimada Somaliland sida salaadiinta oo jeebadaha loo buuxin jiray abwaanada oo la quudin jiray, axsaabta oo lagu kala xishoon jiray oo dhammaanba daaqada laga saaray, halka taa badalkeedana la qaatay in la qanciyo oo keliya beelaha markii horaba qaybta libaax qaatay oo haddana cabashadoodii loogu sii daray wax waxii hore ka badan.

dhaqaalahii dalku waxuu faraha u galay qawlaysato aan lahayn raad lacageed oo aan hotel waxka cunin ,gaadhi kiraysan shaxaadna aan bixin iyada oo faraha laga qaaday qaybahii lunsiga lacagah iyo boobka umada ,

Waxaa dhawaan shir balaadhan uga furmay beesha xiin galool dagta kaasi oo aykusoo qaateen arimo iyaga u khaas ahaa marka runta laga hadlayana uu gadhwadeen ka ahaa suldaanka guud ee beesha dhahareed suldaan siciid suldaan cabdi salaam ,oo cidii arimahiisa waxka ogayd ay ogayd waqti uu soo gaadhay magaalada hargaysa ,si milgaha suldaanimada ka fog dhabarka loogu jeediyay, isla mar ahaantaana uu hargaysa u joogay sugitaanka inuula kulmo madaxwaynaha Somaliland axmad siilaanyo taasi ooku dhamaatay hungo madhan ,cadhadii uuka qaaday magaalada hargaysana orodku tagay magaalada jigjiga ee ismaamulka soomaalida itoobiya.

Inaga oo taasi ogsoon ayaa waxaa laga wada dharagsan yahay siada loola dhaqmay siyaasiyiintii gobolada bariga Somaliland siada fuaad aadan cade oo inta geed lagu dhidbay hadana xukuumadeena ismaqiiqdo ay hawlgal aanla garanayn ku qaaday goobo ay sheegtay inay ka baadhayso shidaal siada magaalada xudun ee gobolka sool hada dawlada hantida intaa leeg galaysaa waxaysoo agmartay dadkii milgaha ku lahaa deegaankaasi siada fuaad aadan cade.

Inaga oo ogsoon inaanaan la qabin xukuumada siilaanyo siyaasad qar qooshakan oo beelaha isaaqaba suldaankoodii iyo siyaasigoodii iyo jenenadoodii indhaha ciida lagaga shubay oo aan xurma la aanta la qabno isla mar ahaantaana aan haysan meelo ay u dudaan hadana waxa ilmada sacabada isaga masaxaan sila mida sida dadaka kale eek u dhaqan gobolada Somaliland .

Waxaa hadaba dadwaynaha reer Somaliland dhawaan dhagahooda kusoo dhacday cabasho balaadahan oo ay salaadiinta gobolka awdal ay u gudbiyeen ,adaxwaynaha Somaliland waxaa iayaguna itaalkaalamida u waayay laakiin ka yuusaya gobolka salal gaar ahaana deegaanka saylac oo aan dadka u dhasahay laga siin wax saamiya ,siada lala wada socdo siyaasiga ugu wayn gobolkaasi salal

Ee xildhibaan cali sh aareeye oo dhawaan aad uaga xanuunsaday indhaha aanu xanaanadii uuka mudna ka helin xukuumada madaxwayne siilaanyo taasi oolagu godobaynayo dhaliilo siyaasadeed oo uu usoo jeediyay waqtiyadii doorashada dawladaha hoose ee ay xukuumada madaxwayne siilaanyo ku fashilantay.

Waxaa wax lala yaabo noqotay in salaadiintii reer awdal ee cabashada usoo gudbiyay uu axmad siilaanyo usaaray gudi soo baadaha cabashadaasi inaga oo ogsoon waxa uu siilaanyo rabo inaan cilinkeeda la saarin uu gudi u sameeyo caana ku yahay siyaasadaasi ilaa xiligii halgankii .

Ta kasii daran ee aanlooba daban ayaa ah in uu nin sheegta boqor buurmadaw oo ah dilaal farsamaysan uu aflabadii ku jawaabay inaanay xaq ulahayn in laga cawado siyaasada axmad siilaanyo isla mar ahaantaana ay beel ahaan ku wada fadhiyaan kursiga madaxwaynaha waxaana taa marag madoon ka ah inaanu madaxwaynaha Somaliland axmad siilaanyo aanu dhawaaqa ninkaasi ka jawaabin taasi macnaheeduna uu yahay inuu raali ka yahay in cidkasta ooka hadasha siyaasada xukuumada siilaanyo ay u jawaabayaan cidkasta ookasoo jeeda beesha axmad siilaanyo .tana may dambaysay .

Hadalka ayaan idinku badiyaye waxaan usheegaynaa madaxwaynaha siilaanyo in shacabka Somaliland ku doorteen hal daba la isla mar ahaantaana aanay ahayn talada Somaliland boqortooyo ayka wada jawaabto beesha axmad siilaanyo taasina waa gaf aan loo fadhyin waxaana la gudboon inuu hadhka ka baxo madaxwaynahu oo uu qanciyo dadwaynaha Somaliland hadab beesha dhaliilo soo jeedisa waxaana la gudboon inuu xeedhada badka soo dhigo oo gacanta lawada galiyo si aan u gaadhno yoolka aan hiigsanayno ee Somaliland oo ka mida beesha caalamka taasina waxaa lagu gaadhi karaa cadaalad iyo sinaan ee laguma gaadhayo siilaanyo iyo boqr buurmadaw oo kursi ku wada fadhiya .

Waxaana laga sugayaa inuu axmad siilaanyo xooga saaro sidii dalku u midaysnaan lahaa si xil wareejinta loogu soo gaadho dal mida iyo dad mida laakiin hadii ay siyaasada axmad siilaanyo sidan qarda jeexa ah ee laysku joojin mayo da ah inaan lasii wada joogi Karin iska daa beelo darafyo ah anaga ayaa ka huleelayna madadaaldan axmad siilaanyo oyo beeshiisa waxaanan kaga baxayaa Somaliland dadkeedu ha u midoobaan sidii ay isaga badali ;ahaayeen axmad siilaanyo iyo siyaasadiisa beelaysan taasina waa inaga oo kubadala fartii aan isagaba ku keenay ee aanla marin dariiqyo kale oo ay Somaliland inagaga burburto waxaana kusoo xidhayaa ciyawgii habeen dhawaaqay waxuuka cawduu dareemay wabilaahi tawfiiq

 

Allaa Mahad Leh

Qalinkii: Aadan Cabdi Ciidle

Hargeysa, Somaliland

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *