Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Fashilmay Oo Ka Dhacay Wadanka Ciraaq + VIDEO

Baqdaad (Raacdo.com):- Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howl-gal qorshaysan oo khamiistii lasoo dhaafay ay ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyaadka kurdiyiintu ka fuliyeen waqooyiga wadanka Ciraaq.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa xaqiijisay in ciidamo Mareykan ah ay howl-galka ka qeyb-qaateen iyagoo diyaaradaha dagaalka casriga ah ku daad-gureeyay maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Mareykanku waxay sheegeen in hal askari American ah lagu dilay howl-galka 4 kalane lagu dhaawacay.

69 ka tirsanaa maxaabiista maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayay mareykanku sheegeen in ay kusoo badbaadiyeen howlgalka balse war ka duwan kaasi waxaa baahisay dowladda Islaamiga ah.

Wakaaladda wararka Acmaaq ee taabacsan dowladda Islaamiga ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinayay maxaabiista Kurdiyiinta oo lagu laayay gudaha xabsi ku yaal magaalada Xuweyjah oo ah goobta weerarku ka dhacay.

Bayaan kale oo kasoo baxay IS ayaa lagu xaqiijiyay in howl-galka Mareykanku uu soo qaaday gabi-ahaantiisba uu fashilmay “Howl-gal fulaynimo ayay saliibiyiinta Mareykanku ka fuliyeen Xuweyjah, Allaah ayaa mahadsan mujaahidiinta ayaa fashiliyay isku daygaasi, saddex ka mid ah ciidankii ilaalada xabsiga ayaa goobta ku shahiiday” Ayaa lagu yidhi bayaanka.

Shaki badan ayaa la gelinayaa sheegashada Mareykanka ee ah in howl-galkaasi uu guulaystay waana markii ugu horreysay oo ciidamo Mareykan ah isku dayaan in ay maxaabiis xoog ku furtaan tan iyo wixii ka dambeeyay 2011 xilligaas oo ciidanka Mareykanku isaga baxeen wadanka Ciraaq.

HALKANNA GUJI OO KA DAAWO MUUQAALKA AY SOO BANDHIGTAY WAKAALADDA WARARKA EE ACMAAQ




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *