Askari Ka Tirsan Ciidamada Kenya Oo Isdal-dalay Kadib Markii Uu Ka Soo Laabtay Soomaaliya.

Wargeyska Standard ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa shalay daabcay warbixin uu kaga hadlay Askari ka tirsan ciidamada Military-ga Kenya oo isdaldlay ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya oo uu kaga jiray dagaal ka dhan ah Jihaadiyiinta Soomaaliya sida ay sheegeen qaar ka mid ah Ehellada uu ka dhashay Askarigan.

Joash Ochieng Magar, oo ah Askariga is daldalay ayaa da’diisa lagu sheegay 52 jir, wuxuuna muddo dheer ka soo howlgalayey dalka Soomaaliya oo Kumanaan ciidamo Kenyaan ah ay joogaan.
Askarigan oo ka mid ahaa Guutooyinka Askarta military-ga Kenya ee ka howlgala Soomaaliya ayaa la sheegay in dhawaan lagu soo celiyey dalka Kenya ka dib markii waxyeelo xagga dhimirka ah ay soo gaadhay.

Waxaa la geeyey xaafadda uu ka soo jeedo ee Bukalama oo ku taalla gobolka Busia ee dhaca galbeedka wadanka Kenya. Waxaanay qoyska uu ka dhashay askarigani ay sheegeen in wiilkoodu uu caafimaad qabay markii hore balse goor dambe lagu arkay waxyeelo xagga dhimirka ah oo ay sheegeen in uu Soomaaliya kala yimi.

“Wiilkayagu wuxuu soo noqday isagoo fayow, balse wuxuu qabay waxyeelo xagga dhimirka ah oo mararka qaar ayuu isku dhexyaacayey” ayuu yidhi qof ka mid ah qoyska uu ka dhashay Askarigan oo la hadlay Wargeyska Standard.

Askarigan ayaa ka soo jeedaa gobolka la yidhaahdo Busia oo qiyaas ahaantii 431km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Taliska ciidamada Police-ka ee gobolka Busia ayaa xaqiijiyey dhimashadiisa, waxayna sheegeen in uu gacantiisa uu isku dilay balse ay hadda ku gudo-jiraan baadhitaano lagu hayo dhimashadiisa.

Ochieng Wuxuu ka mid ahaa tobaneeyo ka tirsan ciidamada Military-ga Kenya oo ku soo waashay dagaallada ay kaga jiraan Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa duullaan ku qaaday Soomaaliya sanadkii 2011-kii si bay yidhaahdeen ay ula dagaallamaan Al-Shabaab, waxaana tan iyo xilligaas ku socday howl-gallo balaadhan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku dhiig-bixinayaan ciidamada Kenya, Isla markaana lagu beegsanayo isu socodka gaadiidkooda.

Weerarada dhabagalka ah, Qaraxyada Miinooyinka iyo dagaalada lagu mirayo ayaa la rumeysan yahay in ay taxadi adag ku noqdeen ciidamada Kenya, Islamarkaana ay u taag-waayeen ka hortaggooda.

Weerarrada taariikhda galay ee lagu xasuuqay ciidamada Kenya waxaa ka mida weerarkii dhawaan ka dhacay Ceel-cadde oo dawladda Kenya ku tilmaantay musiibadii ugu xumeyd ee ku habsata ciidankooda tan iyo markii ay xorriyadda Heleen 1962-kii.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *