Askar Amerikan Ah Oo Lagu Laayay Dalka Afganistan

Kaabul (Raacdo.com):- Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islamiga Afghanistan ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday degmo ka tirsan goblka Kaabul, iyadoo weerarkaasi lagu dilay askar American ah.

Ciidamada Daalibaan waxey weerarkan ku qaadeen degmada Sarobi oo ka tirsan gobalka Kaabul, waxaana degmada difaacyo culus ku lahaa ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islamigu waxey weerarkaasi ku dileen 5 ka tirsan askarta Mareykanka, waxey sidoo kale howl-galkaasi gaarka ah ku gubeen labo gaadhi oo ah noocyada dagaalka ee ciidamada Maraykanku ay wataan.

Weerarkan lagu laayay askarta American-ka ah ayaa kusoo aadaya saacada ka dib markii ciidamada Cirka ee Imaarada Islaamigu ay gobalka Paktika ee dalka Afghanistan kusoo rideen diyaarad Basaas ah oo ay leedahay dawladda Mareykanku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *