Aragtidayda Gorfayntii Buugga Colaadihii Geeska ee Khaalid !!! W/Q: Cabdirashiid Cismaan Xasan.

Kacaanka qoraalka ee hadda iba-furmay iyo maan furanka bulsheed ee akhriska iyo qoraalka u hamuun qabtaa, waa ifafaale togan oo inoo binniixin kara hayaanka timaaddadu inuu san yahay. Dadku intaa wuu korayaa, garaad ahaan iyo aqoon ahaan ba. Qofkuna marka uu buug qorayo waa in uu maanka ku hayaa in bulshada uu buuggiisa ugu talo galayo ka aqoon iyo garasho badnaan karaan. Dadka buugaagta akhristaana ka sokow macluumaadka ay ka helayaan, waxaa ka iman karta falcelin iyo gorfayn ay ku sameeyaan dhiganaha ay akhriyeen.

Gorfayn aan maalin dhowayd akhriyey oo Khaalid Qodax ku sameeyey Buugga “Colaadihii Geeska” ee uu qoray Cali Coomey iyo falcelintii uu kasameeyey Cali. ayaa igu dhalisay in aan wax ka idhaahdo wixii iiga baxay labadaas qormo.

Khaalid Qodax: Gorfayntiisa iyo aragtidayda.

Khaalid qoraalkiisa waxa uu ku bilaabay aaraar iyo hordhac aad u qurux badan, waxa uu ka afeeftay in aanu ula jeedkiisu aheyn doorka qoraanimo ee Cali Coomey, se uu rabo in uu gorfooyo buugga, tilmaamana wixii isaga ula ekoonaada samaan iyo xumaanba inagana uu ina markhaati gashado.

Khaalid isagoo inoo tilmaamay waxa ku kalifay gorfaynta buugga ee uu uga doortay buugaagta qoraaga ee tiraba afarta ah waxa uu yidhi ” in badan ayaan hormood u ahaa dadka aaminsan in aan qoraaga buuggiisa koobaad iyo labaad midna la gorfayn, maadaama uu yahay socod barad”. Hadalkaa Khaalid waa mid jabinaya afeeftiisii hore “Socod barad” waxay tilmaan taban iyo meel ka dhac ku tahay qoraha buugga.

Saddex qodob aan ku soo koobo gorfaynta Khaalid

1- Hayaanka Gorfaynta waxa uu ka bilaabay ladhka (jaldiga) dhiganaha, oo uu ku sifeeyey mid ishu diidaysa marka aad halacsato, way dhici kartaa in isaga aanay soo jiidan bilicda ladhka buugga, laakiin jamasha la’aantiisa ma noqon kartaa mid inagu riixaysa in aynu sidaa ku aqbalno. waxa uu ku lifaaqay in uu jiro sharci u dajisan sameynta ladhka buugaagta, qoraha waxa uu ku canaantay in aanu sharcigaas tixgalin. waa su’aal mudan jawaabteede, mee tixraacii uu ku heystay qoraha? Yaas isku raacay sharcigaas? Ma hal sharci oo kaliyaa, mise waa dhowr sharci oo lakala dooran karo? xageese loogu hagaagayaa?

2- Gorfayntiisa labaad waxa uu ku gaalaa-bixiyey saddex arimood oo aan qoraaga sinaba loogu eedayn karin, waa ta koobaade qalabka lagu daabacayo tayadiisa, waraaqaha tayadooda, iyo khadka la isticmaalay raandhiiskiisa intaasiba waa arimo farsamo oo qoraaga aan lagu eedayn karin, badalkeedana waxaa tunka u ridan karta haddii ay jirtaba, shirkadii daabacday. Ta labaad waxa uu tilmaamay in higaadda qoraalku ay khaladaad badani ku jirto, si taas aynu markhaati uga noqono waxaa mudneyd in uu ina horkeeno cadaymo arintaas badhi taar u noqon kara. Ta saddexaad waxa uu tilmaamay in aan astaamaha hadalka kala qala aan loo meel dayin, taasina waa fadhi kaga kac oo qoraaga leh ilaa tiraba afar buug in uu kala saari waayo hakad, iyo joogsi waa eedayn meel weyday sidaan qabo, walise waxaynu u baahanahay cadayn intaas ka xoogan oo inagu riixda dhanka uu gorfeeyuhu inoo jiidayo.

3- Gorfayntiisa saddexaad waxa uu ku tilmaamay aragtidiisa tixraac la’aanta dhiganaha iyo qoraha buuggu in aanu tixgalin sharciga xigashada. Isla qoraalka gorfeeyaha waxaa ku cad in bogga ugu danbeeya qoruhu ku magacaabay “Raad-raac” laguna sheegay meelihii laga soo xigtay, is diiddada halka meel ku taal, waxay cadeyneysaa in gorfeeyuhu aanu gorfayneyn buugga ee uu gorfaynayo shakhsiyada qoraha.

Gafka Gorfeeyuhu U Geystay Qoraha.

Inta aad akhrineyso qoraalka Khaalid waxay ishaadu diidaysaa weedho badan oo aan sinaba munaasib u aheyn in halkan la isticmaalo, waxaad kohaneysaa ereyo aan milgaha qoraanimo ku habeeneyn in la isticmaalay, ‘Lafaha gur xaragana ha ka tagin’ waa murti xeel dheer, marna ma mudneyn in weedhahan hoos ku qoran la adeegsado.

” Qoraa ka arradan qoraalka, ceebtii maaha ee waa caadadii, far waaweyn oo fool xun, fool xumadii ugu weynayd ee la arko, wuxuu meel kaga dhacay xeerka qoraalka, shay ka fog aqoonta iyo qoraalka, Jeldiga sida tayada xun loo dhigay, ceebtu dhexfadhido, waan kula yaabay, ceebo ayuu lugaha kula jiraa, waayo-aragnimo la’aan ayaa haysa, cali ayaa waxaasi iska sheegtay”

Muhiimada Gorfaynta.

Marka la gorfaynayo dhigane xanbaarsan macluumaad intaas qaro le’eg waxaa haboon in laga hadlo saameynta taban ama togan ee uu yeelan karo, in haddii ay jirto la beeniyo sooyaal taariikheed uu qoruhu khalday ama si kale ula ekoonaatay. Laakiin gorfayntani “Colaadihii Geeska” waxay xoogga saartay arimo farsamo, halkee ay aheyd in xogta buuggu xanbaarsan yahay laga doodo khalad ama sax.

W/Q Cabdirashiid Cismaan
Hargeisa,Somaliland
rashiid20001@hotmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *