Aqoontu waa iftiin

Aqoontu waa iftiin Rabbi wax uu uumay waxa ugu horreeyay qalin, aayad uusoo dejiyana waxa u horraysay aayadda “Iqra” oo ah akhri. Dadka inta u mudanna Rabbi wuxuu ku sheegay inay yihiin inta aqoonyahanka ah ee wax baratay. Aqoontu waa kaabaha nolosha waana awoodda ummaduhu ku kala hor maraan. Aqoontu waa udubdhexaadka iyo tiirka aadamuhu uu ku taagan yahay. Aqoontu waa irridaha aadamuhu uu guusha ka galo, taa macnaheedu waa haddii uu qofku guul u gaashaanto, hubka u horreeyaee uu guul ku gaadhi karaa waa aqoon. Diinta iyo caqliga suubbaniba waxay si wada jir ah u qiimayn karaan in qof wax bartay iyo mid aan aqoon lahayni aanay marba kob kasoo wada durdurinayn. Saaxiibkay Cabdiqaadir Qalinle oo ah hal-abuur da’ yar ayaa isagoo arrintan tilmaamaya yidhi:

Waa tiir aqoontuyoo
Akhriskiyo waxbarashadu
Waa udubdhexaadkii
Aadamuhu ku taagnaa
Waa aragti xeeldheer
Waa irriddaha guushaba
Caqli weeye ururoo
Waa aayo nololeed
Waa astaanta garashada
Waxa lagu oddorosaa
Arrin kaa maqnaayoo
Waa awood la yaab badan
Ilaahay siduu yidhi
Miyaa lays ag dhigaya
Ruuxii aqoonliyo
Ummigaan wax garanayn
Dadku waa indheergarad
Waxay kaa arkaanbay
Hadhaw kugu asteeyaan
Amma kugu ishaaraan
Alifkaad mar barataa
Ma ogtahay maruunbuu
Intaad nooshay duunyada
Kuu gali anfaaciga
Ifka laguma waaree
Waqtigana ilaashoo
Ammintii aad joogtaba
Bal ka faa’id erey uun.

Xamse Cumar Kujoog




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *