Amiirkii Imaarada Islaamiga Qowqaaz Oo Ku Shahiiday Dagaal Adag Oo Ciidamada Ruushka Ay La Galeen + SAWIRRO

Shiishaan (Raacdo):- Wararka ka imanaya dhulka Shiishaan ee Muslimka ah isla markaana Ruushku ay gumeystaan ayaa sheegaya inuu halkaas ku shahiidey Amiirkii Imaarada Islaamiga ah ee Qowqaaz Abuu Cuthmaan Al-Qiiraawi, isaga iyo tiro ka mid ah Mujaahidiintaasi.

Ciidamo ka tirsan Ruushka ayaa Sheekha iyo tiro kamid ah hogaanka Mujaahidiinta Imaarada oo ku sugnaa deggaan lagu magacaabo Qiimri oo hoos-taga gobolka Daaqistaan soo weeraray, waxaana dhex-maray dagaal malxamad ah oo socdey muddo saacado ah, waxaana Weerarku uu dhacay Waaberigii shalay.

Bar Twitter oo ku caan baxdy soo tebinta wararka Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Qowqaaz ayaa soo bandhigtey Sawirrada Amiirka, waxaanay sheegeen inuu shahiiday, waxana sidoo kale la shahiidey waaligii Deggaanka Maqiiri, iyo nin ay sheekh Ilma-adeer ahaayeen.

Sheekh Abuu Cuthmaan ayaa talada Imaarada Islaamiga ah qabtey afar bilood ka hor, kadib markii uu shahiidey amiirkii hore ee Imaarada Qowqaaz Abuu Muxamed Ad-Daaqistaani, kadib marki isna guri uu ku sugnaa ay Isweer ka qabteen Ciidamo Ruush ah.

1




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *