Al-Shabaab-ta Galgala Oo Gaalkacayo Ku Khaarajisay Sarkaal Ka Tirsan Puntland.

Muqdisho (Raacdo.com): Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha magaalada Gaalkacyo ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

Wararka ka imanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in gelinkii hore ee maanta xoogag hubeysani ay ku dileen sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdi Kumi.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in mujaahidiinta Al-Shabaab ay mas’uul ka ahaayeen weerarka Gaalkacyo ka dhacay,War laga sii daayay idaacadda Islaamiga Andalus ee afka xarakada ku hadasha ayaa lagu sheegay in muslimiinta laga hor leexiyay sarkaal lagu sheegay ‘Murtad ashahaadda ladirir ah”.
Mujaahidiinta Al-Shabaab ee Buuraha Golis ayaa bilihii lasoo dhaafay qaadayay weerarro ka dhan ah maamulka Puntland. Weerarada ugu badan ayaa ka dhacay Galgala,Boosaaso,Garowe iyo Gaalkacyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *