Al-Shabaab: Qalbi-Dhagax Nagama Tirsanayn (War-saxaafadeed)

War kasoo baxay  Xafiiska warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay war kasoo baxay dowladda federaalka Somaliya, kaas oo ahaa in Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan loo dhiibay dowladda Itoobiya uu ka tirsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Bayaanka kaso baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uusan weligiisa kamid noqon Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Al-Shabaab iyo Ururka ONLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya. Waxaanu War-saxaafadeedkani u dhignaa sidan:

” Ma jiro mana jirin wax xiriir ama iskaashi ah oo ka dhexeeyay ama dhexmaray Cabdi Kariim Qalbi-Dhagax ama Jabhada uu ka tirsanaa ee ONLF iyo Xarakada Al-Shabaab. Waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo kooxda ridada ah ee Farjaamo ay ku doonayso inay qiil uga dhigato falkii ay ku keceen ee ahaa inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen Itoobiya, iyadoo wax badan bulshada Soomaaliyeed lagu marin habaabin jiray in Farmaajo uu yahay shakhsi wadani ah kana soo horjeeda siyaasada Itoobiya, Waxaa bulshada Soomaaliyeed dhamaanteed u caddaatay in Farmaajo uu yahay dabadhilifka ugu xun ee Itoobiya, danaheedana u adeega, uuna kasii liito kuwii isaga kasii horeeyay sida Shariif Murtad iyo Xasan Sheekh” .

Warsaxaafadeedkan ayaa yimi kadib markii kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Wasiirada dowladda Federaalka oo lagaga hadlayay qadiyadda Qalbi Dhagax lagu sheegay in ninka ay dowladda federaalku ay u dhiibtay Itoobiya waa Qalbi-dhax’e uu ahaa ” Argagixiso” xubinna ka ahaa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *