Al-shabaab Oo Weerar Xooggan Ku Qaaday Saldhig Boolis Oo Bosaso Ku Yaala

Ugu yaraan Hal Askari oo Booliska Puntland ka mid ah ayaa ku dhintay weerar culus oo Koox Hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ku qaaday Saldhig ku yaala Magaalada Bosaso ee Maamulka Puntland.
Saldhiga la wareeray waxaa lagu magacaabaa Baalade, waxaanu ku yaala Halka laga soo galo magaalada ee dhanka koonfurta. Dagaal dhex maray Booliska iyo Al-shabaab oo socday Muddo saacad ku siman ayaa la isku adeegsaday hubka culus waxaana lagu gubay mid ka mid ah Gaadiidka Booliska.waxa markii dambe si nabad ah uga tagay meesha Kooxda Al-shabaab.

Waa markii labaad ee Al-shabaab weerar toos ah kusoo qaado saldhig boolis oo Bosaso ku yaal, weerarkii ugu horreeyey ayaa dhacay bishii November ee sanadkii 2013, markaasoo kooxo ka tirsan Shabaabku sidan oo kale usoo weerareen xabsiga weyn ee magaalada Bosaso ee Gaal-shire.

Arrintan ayaa Imanaysa iyadoo Dhawaan Maamulka Puntland ku xajiimaynayay Somaliland inay xidhiidh la leedahay Al-shabaab, hase ahaatee waxaa muuqata in Al-shabaab ku xooggan tahay gudaha Maamulka Puntland oo ku dooda inay dhibaato u gaysteen Al-shabaab




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *