Al-Shabaab Oo Gabbalka Ugu Riday Gacan-ku-haynta Jaamacadda Gaarisa + Tirada Dhimashada Oo Gaadhaysa 150 Qof + SAWIRRO

Nairobi (RNN):- Dagaalka ka socda gudaha Jaamacadda Mooy ee magaalada Gaarisa ayaa galay habeenkii labaad, waxaana sii kordhaya khasaaraha Kenyaanka kasoo gaadhay dagaalka ka socda gudaha iyo duleedka xarunta Jaamacadda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gudaha jaamacadda ay daadsanyihiin inka badan maydadka 150 qof oo Kenyaan masiixiyiin ah, kuwaasoo nolasha ay ku qabteen ciidamada Al-Shabaab, kadibna ay ku dileen gudaha Jaamacadda.

Sidoo kale dhaawaca ayaa intaasi ka badan. Waxaana sidoo kale jira wararkuna sheegayaan in wali la laayahay dad fara badan oo la xaqiijiyay in wali ay lahaystayaal ku yihiin gudaha xarunta isla markaana ay gacanta ugu jiraan ciidamada Al-Shabaab

Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa caawa maqribkii laga maqlayay gudaha magaalada Gaarisa. Kumanaan katirsan ciidanka booliska iyo kuwa melleteriga Kenya oo goobtaasi gaadhay ayaa ku guul darreystay in ay badbaadiyaan dadka lagu gumaadayo gudaha jaamacadda.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in la la’yahay boqolaal Kiristan Kenyaan ah, warbaahinta Kenya ayaa soo bandhigay haween u muuqday iney soo daayeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee jaamacadda ku jira.

Dayuurado millatari oo hadafkoodu ahaa inay gacanta Kenya dib ugu soo celiyaan jaamacadda ayaa ka badin kari waayay inay daabulka dad ku dhaawacmay rasaasta mujaahidiinta Al-Shabaab.

Madaxda dowladda Kenya ayaa sidii looga bartay billaabay iney kala hadlaan laakin wararka xog-ogaalka ah ayaa sheegaya in meydad badan ay daadsan yihiin gudaha xarunta jaamacadda iyadoo ay jiraan kuwa nool oo weli la haysto.1 79d9ed2b bcdedf7f ced27afa

Wixii Warar Ah Ee Soo Kordha Isha Ku Hay Oo Kala Soco Raacdo News Network….




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *