Al-Shabaab Oo Dhegta Dhiigga U Dartay Askar Maraykan Ah

Muqdisho (Raacdo.com):- War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay fashilisay duullaan ay ciidamo Mareykan ah ku qaadeen deggaan dhaca duleedka degmada Afgooye.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Shabaabul Mujahidiin ayaa  warbaahinta u sheegay in weerar xalay ka dhacay deggaanka Daarusalaam ay ku dileen ciidamo Mareykan ah isla markaana ay qabsadeen hub iyo agabyo kale oo ay ka carareen ciidamada Mareykanka.

Al-Shabaab waxay xaqiijisay in khasaare lixaad leh ay dhaxalsiisay soo duulayaasha Mareykanka oo xalay saqdii dhexe iyagoo diyaarado casri ah wata ku degay deggaanka Daarusalaam waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Sheekh Abuu Muscab ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanku aanu gaadhin ujeedkii uu kalahaa duullaanka isla markaana ciidamada cadowga ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duulleen iyagoo guul-darraystay oo dhimasho iyo dhaawac wata.

“Ciidamo Maraykan ah ayaa xalay weerar fashlmay kusoo qaaday Magaalada Daaru-Salaam ee Shabeellada Hoose, diyaarado ayay ku yimaadeen kadibna dhulka ayay usoo degeen, Mujaahidiinta ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay waana la jebiyay” ayuu yidhi Sheekh Abu Muscab.

Afhayeenka ciidanka Al-Shabaab oo la hadlayay idaacadda Andalus ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Mujaahidiintu way la socdeen duullaanka cadawga, wayna u diyaargaroobeen, tiro ka tirsan cadawga ayaa halkaas ku dhimatay qaar kalena waa laga dhaawacay, hub iyo saanad ciidanna waan ka qabsanay” .

Dhinaca kale dowladda Mareykanka Mareykanka ayaa sheegtay in Hal askari lagaga dilay weerarkii Daarusalaam isla markaana 2 kale lagaga dhaawacay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *