Al-Shabaab Oo Deggaanno, Hub Iyo Baabuur Dagaal Kala Wareegtay Itoobiyaan Ku Sugan Gobolka Bakool

Muqdisho (Raacdo.com):- Ciidamo aad u fara badan oo wata gawaadhida dagaalka kana tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaal aroornimadii hore ee saaka bilowday ku qaaday qeybo ka mid ah  Gobalka Bakool ee dalka Somaliya.

Dagaalka oo laba jiha ka kala dhacay ayaa lagu kala qaaday Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ee ku sugan gobolkaasi Bakool.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isla markiiba jiidheen Ciidamada Soomaalida oo fadhiisin ku leh deggaanka Moora-gaabeey ee Gobalka Bakool, waxayna la wareegeen xarunta halkaasi oo askar badan ay ku laayeen.

Dagaalka ayaa lagu warramayaa inuu u sii gudbay halka Loo yaqaanno Garasweyne oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya.

Isgaadhsiinta goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ayaa go’an, kadib markii ciidamada Itoobiya ay hawada ka saareen. Waxaanay Ilo-wareedyo kale oo war-fidiyeennadu soo xiganayso ay sheegayaan in ciidamada Itoobiga laga qabsaday deggaano kale oo kaabiga ku haya degmada Xudur.

Wararkii ugu dambeeyey haataan kasoo baxaya dagaalladaasi ayaa sheegaya in xarakada Al-Shabaab dagaalladaasi kula wareegeen gaadiid iyo saanad hub oo ay lahaayeen ciidamada Itoobiya,

Sidoo kale wararka oo iska soo daba-dhacayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladaasi lagu dilay askar fara badan oo isugu jira ciidamada Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah.

Idaacadda Afka shabaab ku hadasha ee Andulus oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegtay in Mujaahidiintu la wareegeen Garasweyne iyo Moora gaabeey.

Andulus ayaa warkeeda subax ku sheegtay in dagaalka lagu dilay askar badan oo Itoobiyaan ah isla markaana Shabaabul Mujaahidiin ay dagaalka kula wareegtay qaniimooyin badan.

Ma jiro wax warar ah oo kasoo baxay  dhanka Itoobiya iyo maamulka Shariif Xasan kuna aadan dagaalka ka dhacay Gobalka Bakool.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *