AKHRISO: Ma Ogtahay Tirada Guud Ee Xukuumadda Siilaanyo Iska Casishay Muddo 5 Gu’ & Googo’ Ah?

Hargeysa (Raacdo.com):- Tiraddii ugu badnayd ee ka mid ah golaha wasiiradda ee hal mar is casisha taariikhda Somaliland ayaa shalay mar keliya ku wada dhawaaqay inay ka tageen xilalkii wasiirnimo ee ay ka hayeen xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, isla markaana talaabadan ayaa ka dhigaysa xukuumadda mid waajahday fashilaad iyo wejigabax dunidda kale sababta in madaxweynuhu is casilo.

Wasiiradan Iscasilay waxay kala yihiin Wasiirkii Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii Hawlaha guud, Cabdirisaaq Khaliif, Wasiirkii Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir.  Wasiir Kuxigeenkii Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Wasiir Kuxigeenkii Wasaarada Dib-u-dejinta Nimco Xuseen Qawdhan, Wasiir ku Xigeenkii Hawlaha Guud Cali Cabdi Saayiq, wasiir ku xigeenkii Deegaanka Axmed Maxamuud Nuur, wasiir ku xigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Agaasimaha Guud ee Wershedaha Mawliid Weris  iyo Afhayeenkii Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul. Dhanka kale waxa jirta hadal hayn badan oo tebinaysa tibaaxo sheegaya inay is casili doonnaan masuuliyiin kale oo ay isku aragti ahaayeen kuwa iscasilay. Wasiir Cukuse oo ka mid ahaa saaxiibadda wasiiraddan is casilay ayaa shalay hadal kooban oo sulux ah kaga hadal celiyay wixii dhacay, balse aan cadayn inuu raaci doono iyo in kale.

Iscasilaadan oo ah tii ugu miisaanka waynayd ee ka dhacda Somaliland intii ay jirtay, ee ay 12 masuul hal mar is casilaan waxay ka dambaysay kulan habeen hore ka dhacay xarunta madaxtooyadda, kaasoo la sheegay in madaxweynuhu ugu sheegay xubnaha beeshiisa kaga jirra golaha wasiiradda inay dhisaan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Kulankaas siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, waxa u dhamaa qoyska madaxtooyadda iyo wasiiradda beesha madaxweynuhu ka soo jeedo kaga jira golaha wasiiradda. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in madaxweynuhu uu u sheegay xubnaha beeshiisa in beel ahaan ay ku daba faylaan murashax Muuse Biixi, hase ahaatee uu wasiirka iscasilay ee Xirsi uu arrintaa ka bixiyay jawaab diidmo ah, isla markaana uu sheegay inay tashi isugu noqon doonnaan jawaabta ay ka bixin doonnaan go,aankaa madaxweynaha, sidaana uu kaga baxay shirkaa, talaabadaa oo xogguhu sheegeen in xubno kalena ku weheliyeen.

Kulankaa gebi ahaanba bedelay jawigii siyaasadda iyo tartanka xisbiga dhexdiisa ee ka dhacay madaxtooyadda kadib waxa isla saacadihii dambe ee habeen horeba bilaabmay dhaqdhaqaaqa xulafadda siyaasadeed ee ay is hayaan murashaxa madaxweynuhu taageeray, isla markaana shirar iyo wada tashiyo ay yeesheen kadib waxay xubnaha is casilay ku dhawaaqeen shaqo ka tegistooda.  Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah murashixiinta la tartamaysa gudoomiyaha Kulmiye, oo ka mid ah wasiiradda is casilay ayaa sidan ugu dhawaaqay istiqaaladiisa.  “ Waxaan ahay murashax, murashaxnimadiina way taagan tahay, waxaan maanta (shalay), goostay in aan iskaga tago shaqadii aan qaranka u yahay, anigoo wasiirkii arrimaha dibadda ah. Marka hore waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha iyo shacabka reer Somaliland ee igu aaminay masuuliyaddaa wayn, waxaan leeyay aad iyo aad baad u mahadsan tihiin. Markaan eegay xaaladu siday u socoto iyo wararka ka soo baxaya madaxtooyadda ee madaxweynihii lahaa shalay dhex baan idiin  ahay uu ku dhawaaqay inuu dhinac jiro, waxaan go’aansaday in aan anigoo bannaanka jooga aan dannahayga qabsaddo, istiqaaladuna iyadoo qoraal ah Madaxweynaha ayaan u gudbinayaa.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi. Wuxuu intaa ku daray oo ugu baaqay madaxweynaha inuu ka laabto go,aankaa dhinac u hiiliska ah, kaasoo uu xusay haddii aanuu ka laaban inuu keeni karo dhibaato. Maxamed Biixi waxa kale oo uu xusay in madaxweynuhu talaabadan qaaday kadib markuu arkay in ay haystaan aqlabiyaddii.

Wasiirka caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo isna ka mid ah xubnaha is casilay ayaa sidan u dhigay dhawaaqii iscasilaadiisa. “Waxaan shirkan jaraaid u qabtay in aan ku caddeeyo in aan iska casilay xilkii aan ka hayay wasaaradda caddaaladda, sidaana aan hawada ugu marinayo Madaxweynihii ii igmaday shaqadaa, siduu isaguba idaacadda iigu mariyay magacaabidaydii.” Sidoo kale weedhihii xubnaha iscasilay waxa kale oo ka mid ahaa, “Waxaan halkan ka caddaynayaa in aan dadkii aan la midka ahaa ee aanu isku mowqifka ahayn in aanan ka hadhayn ee aan  la arrin ahay ayaan halkan ka caddaynayaa, waanan iska casilay xilkii aan ka hayay dawladda iyo xisbiga kulmiyaba.”sidaana waxa yidhi Wasiir ku xigeenkii hawalaha guud Cali Cabdi Saayiq. Sidaa si la mid ayaa dhamaan xubnaha kale ee iscasilayna erayo kooban oo mahadnaq iyo maca salaamayn u badan ugu wanqaleen xil ka tegistooda.

Iscasilaadan ka hor  waxa xukuumadda Siilaanyo isaga casilay ilaa 15 masuul oo isugu jiray wasiiro, wasiir ku xigeeno, safiiro, taliyayaal, agaasimayaal iyo masuuliyiin kale, Isla markaana tiradda guud ee xukuumaddiisa iska casishay shan sano iyo dhawr bilood oo uu Siilaanyo taladda hayay, isugayntoodu waxay gaadhaysaa 27masuul. Taasina waxay ka dhigtay madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa ugu is casilaadda badnayd ee soo marta Somaliland.

Xigasho: Wargeyska Ogaal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *