HIDDASAN- Maanso Cusub Oo Dhawaan Uu Soo Saaray Abwaan Axmed Aw-Geeddi SAWIRRO + DHAGAYSO

Hargeysa (Raacdo):- Abwaan Axmed Aw-Geeddi ayaa xalay madal la isku arkay ku daah-furay maanso uu cusub oo la magac-baxday HIDDA-SAN, Taasoo xambaarsan ujeedo fog iyo micno ballaadhan, waxaanu abwaanku kaga hadlaya baadi-doonka gabadh uu jeclaaday.

Daah-furkii Maansadan oo cawayskii xalay ka qabsoomay xarunta dhaqanka ee Red Sea ayaa waxaa kasoo qayb-galay marti-sharaf dhalinyaro u badan, Abwaano iyo Qorayaal.

Falanqaynta maansadan iyo qofba fahankiis ayaa fikrado kala duwan laga bixiyey, dadka qaar waxay yidhaahdeen waa Jacayl, Qaar kalena Siyaasad. Waxaana dadkii ka hadlay ka mid ahaa Abwaan C/laahi Saleebaan Bidde, Qoraaga Caanka Ah ee Reer Jabuuti Cabdalla Xaaji, iyo Qoraa Khaalid Jaamac Qodax iyo dhalinyaro aad ugu jajaban suugaanta.

 

Ugu horreyn waxaa la isku raacay in maansadani ay tahay mid xambaarsan farriin culus oo u baahan fahankeeda. Sidoo kalena waxaa maansadan lagu cabiray mid uu miisaankeedu culus yahay haddii ay noqoto farshaxannimada, hummaagga iyo dhaqanka suubban ee ay huwantahay.

Haddaba si kastooy ahaataba maansadan oo dhamaystiran jeclaysanay inay bulshada kala duwan ee dal iyo dibadba ku kala sugani ay iyaguna nala wadaagaan. Waxaanad kaga bogan kartaan Radio Hadhwanaag Waana Maansada HIDDA-SAN OO AY LA SOCDAAN QAAR KA MIDA ARAGTIYIHII AY ABWAANADA IYO QORAYAASHA QAARKOOD KA BIXIYEEN DHAGAYSI WACAN

 

 

Cabdisalaam Cismaan (Abuhurayra)

Abuhurayra@hadhwanaag.org

Hadhwanaagnews/Office

Hargeisa, Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *