Aad Iyo Aad Baan U Jeclaa Kulmiye, Waaba Maanta Uu Noqday Mataano.

Nin la odhan jirey Francois Mauriac baan kasoo xigtey odhaahdiisii ahayd ” I love Germany so dearly that I hope there will always be two of them”. Si kale hadaynu u dhigno maahmaah baa iyana tidhaahda “labo xaq daro ku heshiisey xaqa ayay isku dilaan.”

Xusbiyada wadamada dimoquradiga ahi gaar ahaan kuwa reer galbeedku waxay ilaa iyo waqtigii wershadeyntu bilaabantay(industrial revolution) oo ahaa qarnigii 18aad ( 1760 iyo intii ka danbeysey) la isku hayey laba fikradood oo midna tijaarta wershadaha leh u dan tahay, midna ay shaqaalaha u dan tahay in lagu hore mariyo si aanay dadkay u shaqayaan kabaha ula dulmarin. Markaas waxa u astaan ah garabka midig oo maal qabeenada u adeega, iyo garabka bidix oo shaqaalaha u adeega; Waa dagaal dabaqadeed oo af ingiriisida lagu dhaho ” class struggle ideology”.

Habkay xusbiyadu ku yimaadeena ay sidaas ahayd. Midigtu waxay leedahay tijaartu ( Bourgeoises)cashuur yar ha bixiso, waayo shaqo ayey abuuraan markaas dawladu Waa inay shaqaalahaas (working class)ay cashuurta ka qaadato; bidixduna waxay leedahay cashuurta inteeda badan Waa in laga qaadaa tijaarta, waayo shaqaaluhu dhaqaale badan Ma laha, inta yar ee ay qaataana ma soo dhaafto nolol maalmood kooda oo keliya.

Inkastoo iminka labada garab ( midigta/ Bidixda) dhaqaalihii la isla dhaafay oo ay soo galeen arimihii bulshada iyo diintaba. Oo aanan waqti u ahayn inaan akhristayaasha halkan ugu sharaxo si qoto dheer.

Reer Soomaliland xusbiyada waxa loo samaystay in kursi lagu fuulo. Markaas Hadii aanay jirin bulsho dabaqado ah, oo is dhiig miiranaysa dhexdooda, oo aanay jirin fikredo kale oo lagu loolamaa, waxa dhacday inuu madaxdii xusbiyadu ay inoo marin habaabiyeen hab dhaqan qabiil oo reero loo kala safto, si reeraha qaar ay isu xulafaystaan sidii ay kuwa kale uga ilaalin lahaayeen inay kursiga ku fadhiistaan. Kibirka fogaadey ee beesha dhexe ee Soomaliland waxay keentay inay labo reer oo ka mid ahi, ay samaystaan isbahaysiga la baxay “jeegaanta” si ay kursiga uga ilaaliyaan beeshii mar la isugu wada tegey, ee lala haa Soomaliya bay innagu celinayaan waqtiyadii dagaalada sokeeye ee beesha dhexe ee Somaliland. Kulmiye qori isu dhiib dhiib kaas ay labo reer ku heshiiyeen buu ku salaysnaa. Kaptanka ciyaartoyguna waxuu ahaa madaxweyne Siilaanyo.

Hadaba Markuu Madaxweyne Siilaanyo uu kursiga fuulay buu Iska fogeeyey raggii isaga xusbiga la soo mariyey dal iyo dadba. Waxuu awoodii dawladnimo uu gacanta u geliyey niman cusub oo (cadre-yiintii) dad kii xusbiga ku suntanaa dhulka jiidey, oo lacag iyo xoolo samaystay, oo taageera yaal cusub samaystay. Waxay inta badan noqotay, ahaydna dawlad ay dawlad kale ka hoos samaysan tahay. Xusbiga iyo dawlada kulmiye waxay cadaawadoodu ay gaadhey mid la mid ah ta Carabta iyo Yuhuuda. Doorashadii dawladaha hoose waxa si toos ah u maamulayey wasiiradii u markaas Siilanyo taabacsanaa. Muse Biixi iyo Mohamed Kaahin na kidhli baa madaxa loo geliyey waqtigaas. Muddo lix sanno ku dhow bay ciyaartu ay sidaas u socotey. Askartu way dhabar adaygeen runtii. Qolodan wasiiradii ahina, ee mindida daab keeda hayeyna way isla baxeen kibir awgeed. Waxay xitaa u qaateen inay dawladu dhacayso haday iscasilaan, qaarna markii la is yidhi meesha ka bedela, bay meeshii loo bedeley ka khashaafeen oo yidhaahdeen kursigaas annigu ma geyo. Cajiib.

Madaxweyne Siilanyo iyo guurtidiisa bilaa shaarubaha ahi( Waa sida la yidhaado’e) markaas bay dagaal ay galka seefta kala baxeen ay ku qaadeen wasiiradii ay lixda sanno ku dhowaadka la safnaayeen, una digo rogteen dhinaca askarta( Muse iyo Ina kahin).

Halkaas waxa ka muuqata inaanay siyaasadu lahayn saaxiib joogta ah, waxa kale oo ka muuqda inaanay qoladii wasiiradii ahayd aanay ciyaarta si fiican u fahmin, oo isla weyne xad dhaaf ahi ay gashay. Maalintii uu wasiirkii hore maaliyadu uu diidey inuu noqdo wasiirka tacliinta bay khaladkooda ugu weyn galeen, oo ay ciyaartii ka wareegtey. Siilaanyo markii hore waxuu u hiiliyey wasiiradiisa muddo lix sanno ku dhow, Imminkana waxuu gar iyo gardarroba ugu hiilinayaa sida ka muuqata ficiladiisa, nimakan Askarta ahaan jirey. Hayeeshee, qosolka siyaasada waxa ugu macaan hadba ka danbe, ayaa hore loo yidhi.

Kulmiye Waa xusbi qaran, Waa xusbal xaakimkii, laakiin ka aradnaa fikredaha casriga ah. Waa xusbi ku aasaasnaa hab qabiil, Waa xusbi nin weel u ahaa, oo uu ninkaasi doonayey inuu weelkiisaa uun kursiga ku fuulo. Waa xusbi jaah wareer ku bilaabmay ilaa maalinta ay xukuumad noqdeen. Waa rag is dilayey muddo lix sanno ku dhowaad ah, Waa rag kala noqday col iyo daahiis.

Haddii quraan iyo cashar kasta la cabsiiyo waa rag aan kala dawoobeyn, oo ay ciyaarta dhabta ahi ay iminka u bilaabantay. Laakiin dee waa siyaasad, Soomaliland waxba u noqon mayso, oo waxay Soomaliland noqotay Qaran gaamurey oo qaan gaadhey. Hadii Kulmiye laba ama Saddex u kala jabaan Soomaliland u dhutin mayso, qorraxduna galbeed Kama soo bixi doonto. Ee yaan Dadka cabsi aan jirin la gelinin. Siilaanyo iyo Seylici markii la doortay wasiiro lalama dooranin. Madaxweynaha ayaa wasiiradii magaacabay.

Haday maanta iswada casilaan wasiirada oo dhami Soomaliland way jireysaa, waayo tiirarkii kale e dawladnimo baa dhisan sida Golaha wakiilada iyo Guurtida, Maxkamada sare.

Waxa kale oo jira ciidamadii sida booliska, milateriga, asluubta, ka badda. Qaab dhismeedka dawladnimo marnaba ma lumayo, Soomaliland yaan loo biqin waayo Ilaahayna wuu ilaaliyaa, dadkeeduna wuu ilaashadaa.

Waxaan kusoo afmeerayaa, laba xusbi oo kale ayaa jira, oo dee wadanku Kulmiye monopoly kuma haysto. Waxa laga yaabaa inay raga qaar siyaasadaba in muddo ah ay ka fadhiistaan, kuwana ay xusbiyada kale u digo rogtaan, kuwo kalena ay dib ugu noqdaan ragaas ka adkaaday, oo ay Kulmiye iska dhex fadhiyaan siday doontaba ha ahaato arintuye.

Laakiin waar waa wareey, iyo ka kacaay, iyo qaylo aan meeshaba oolin anigu ma arko waxa dadka loogu asqaysiinayo. Kulmiye haddii uu xitaa sidii UDUB baaba’o , saxarna ma gaadhayo Somaliland, deerona deero ma hirdiyeyso. Su’aasha meesha taalaa waxa weeye, qolada xusbiga ku adkaataa ma la imin doonaan fikir cusub iyo ideology siyaasadeed oo ka duwan kii hore ee ahaa jeegaanta ay labo reer u samaysteen inay reer kale ku daadifeeyaan oo ay kursiga kaga ilaashadaan? ragga meesha u hadhaa ma noqon karaan, rag raggii ka tegi lahaa soo ceshan kara? Kuwa iminka cadhaysni ee laga adkaaday ma noqon karaan, rag intay Iska liqaan dhaawacii soo gaadhey iyo sharaf dhicii lagu sameeyey dib waxa ula yeelan kara raggii iminka ka adkaaday, ee iyaguna hore uga adkaan jireen?

Tii aan lahaa Kulmiye mataano ah baan ka jeclahay Kulmiye mid ahna, waxay ku xidhan tahay raggan is hayaa iyo garaad kooda siyaasadeed.

Markay ugu liidato kala jab kaasi waxuu xabaal ku ridayaa fikirkii qabiileysnaa, ee Garadag-aysnaa, ee cunsuriyadeysnaa, ee laba beelood ay xaqdarada ay ku doonayeen inay kursiga sidii orodka la yidhaahdo 400 mitirs, marba uu midba midka kale qoriga u dhiibo, oo sidaas kursiga ku wada haystaan iyadoo qabiil laga duulayo. Haddii raggan is hayaa ay xusbiyo kale ku biiraan, waxa sii dhimanaysa xulufeysigii qabiilka ku dhisnaa, oo waxaynu u xuub siibaneynaa Qaranimo iyo xusbinimo. Waxay ila tahay inaynaan caqligeena u dabrin qabiil iyo qabyaalad ee aynu u carbino qaranimo iyo horuumar casri ah.

Marka aanu qofku aaminsaneyn mabda’ ama arrin uu difaacayo, waxay taasi ka xumaysaa aftahnimada qofkaas. Waar waxaanad arag shiikhii magaca Siilaanyo gaadhsiin jirey ilaa iyo Aadan( Ahmed Mohamed Mohamud Adan) ee nebiyada ag dhigi jirey odayga, ee askarta ku jees jeesi jirey iyo maanta siduu u hadlo.

Waxaanad arag oo kale Askartii oo leh Waa Ilaahay mahadii haduu madaxweynuhu na taageersan yahay maanta oo dhinacayaga lagu tuhmayo. Aduun caryaale. Oo sow innagaa soo bislaanay. Waar dadku hays dhex galo, oo wax ha wada yeesho, oo kuwii is fahmi waayaana ha kala tageen. Anigu rag aan xagaas uga imi awgood baan maqlayaa way soo socdaan, oo xusbigayga bay kusoo socdaan,Ma’sha’Allah gacmo furan baan kusoo dhoweyneyaa, waayo dee iminka xusbi baa naga dhaxayn doono, oo rag reernimo isku cawari kara ma nihin. Xusbinimaduna Waa nin iyo xeeshii iyo ciyaarta xusbiga siduu u dheelo, reernimadii iyo khiyaaligaasi meesha ma taalo iyo waa inaadeerkaaye danta reerka li’ ajligeed uga dulqaado. Qabyaalad kama kore uun baan rag ugu liitaa. Waar doqmayahow ka kaca meeshan aad dacayda laadlaadin!

 

Mahadsanid,
Qalinkii: Cali-khadar Xassan Cismaan “Ali-kubad”

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *