Kenya Oo Sheegtay Inay Ciidamadeeda Kala Baxayso Soomaaliya.

Nairobi (Raacdo):- Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee dalka Kenya, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo madax kale oo ka tirsan Barlamaanka dalkaas ayaa shalay yeeshay Shir gaar ah oo ay kaga hadleen Xaaladda Ammaanka Waqooyi Bari Kenya, Weerararadda Alshabaab iyo qorshahe lagu soo celinayo Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah ciidamad AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Madaxa Guddiga Ammaanka iyo Xidhiidhka Dibadda ee Barlamaanka Kenya, Yusuf Xaji ayaa sheegay inay Dowladda Kenya hayso Istaraatijiyadda ay Ciiddankooda kala soo bixi lahaayeen gudaha dalka Kenya, wuxuuna xusay inay ururiyaan Aragtiyaha ku aaddan Istaraajiyaddaasi.

Waxa uu masuulkani sidoo kale tilmamaay inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii qorshahaasi loo hor-geyn lahaa Golaha Wasiirradda Kenya. Waxa uu intaasi ku daray inay shisheeyaha kale ee Afrikaanta ah kala tashanayaan Qorshahaasi, si loo helo Waddan kale oo ay Ciiddamadoodu la wareegaan Deegaannada ay Ciiddanka Kenya ka soo saarayaan.

Yuusuf Xaaji ayaa intaasi ku daray in haddii aan la helin ciidan buuxiya booska ay ka baxayaan, ay ka dhigan tahay in guusha sare ay gaadheen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya oo Soomaaliya galay 2011 ayaa wajahaya dhiig-bax badan oo gudaha iyo dibaddaba ku heysta shacabkooda iyo ciidankoodaba, waana midhihii ay ka dhaxleen jawaab-celintii xoogagga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Raacdo.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *