40 Ka Tirsan Saraakiisha Iyo Askarta Dawladda Afganistan Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Qandahaar

Kabul (Raacdo):- Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa fiidkii hore ee xalay weerar culus ku qaaday xarun dowladeed oo ku taalla badhtamaha magaalada Qandahaar ee dalka Afghanistan.

Weerarkan oo geystay khasaare culus ayaa la xaqiijinayaa in xoogaggii fuliyey ay dagaal kula wareegeen dhismaha xaruntaasi. Waxaana la sheegayaa in Mujaahidiinta Daalibaanta Afganistaan gudaha xaruntaasi ka dagaalamayeen in ka badan 15 saac oo xidhiidh ah.

Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 40 ka tirsan saraakiisha iyo askarta dowladda Afgaanistan, waxaana lagu warramayaa in dhaawacu uu intaasi ka badan yahay.

Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa weeraro joogta ah la beegsada xarumaha dowladda Afghanistan iyo wadamada caalamku ka sameysteen gudaha dalkaasi.

RAACDO.COM




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *