3 Sarkaal Oo Burundiis Ah & Saraakiil American Ah Oo Maanta Lagu Laayay Koonfurta Soomaaliya

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka laga helayo degmada Cadalle ee gobalka Shabeellada dhexe waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi qarax lagula beegsaday saraakiil Burundiis ah.

Qaraxan ayaa sigaar ah uga dhacay Tuullada Xaaji Cali oo hoostagta degmada Cadalle oo ka mid ah goobaha shisheeyaha AMISOM ay kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.

Ilo-wareedyo ay war-fidiyeenada qaarkood soo xigteen ayaa xaqiijiyay in markii hore ciidanka dowlada federaalku ay arkeen miino goobta ku aasan aanay ku wargaliyeen saraakiisha ciidamada Burundi ee ku sugan degmada Cadalle.

Diyaarad Elecobtar ah oo deggaanka soo caga-dhigatay ayaa keentay saddex sarkaal oo Burundiis Miino baarayaal ah.

Saraakiishan oo doonayay inay miinada goobta ay ka bixiyaan ayaa markii ay soo dul istaageen miinada ayna isku dayeen inay bixiyaan, markaliya waxaa qaraxday miinadaasi.

Idaacada Andalus ee afka xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay in gabi ahaan saddex-da sarkaal Burundiiska ah ay goobta ku bakhtiyeen, kuwaasi oo markii dambe meydadkooda goobta ay ka qaadday diyaaraddii markii hore iyagoo nool goobta keentay.

Dhanka kale Kolanyo Amarican iyo Kenyaati ah oo ay la socdeen ciidanka maamulka Axmed Madoobe waxaa qarax culus lagula beegsaday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Qaraxa waxa uu sigaar ah uga dhacay deggaanka Janaay Cabdi oo hoostagta magaalada Kismaayo, waxaana dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deggaanno badan oo dhaca duleedka magaaladaasi.

Idaacada Andalus ayaa baahisay in miinadu ay haleeshay gaadhi ay la socdeen saraakiil caddaan American ah kuwaasi oo la xaqiijiyay inay dhimasho iyo dhaawac ay ku noqadeen qaraxaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *