25 Askari Oo U Badan Itoobiyaan Oo Lagu Dilay Dagaallo Maanta Ka Dhacay Gobolka Bakool.

Muqdisho (Raacdo.com):- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka aroortii hore ka bilawday deggaanno dhaca duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka imanaya Bakool ayaa xaqiijinaya in ay soo af-jarmeen dagaaladii cuslaa ee saaka ka bilawday deggaannada kala ah Garasweyne iyo Moora-gaabey.

Wararkii ugu dambeeyey ee deggaannadaasi kasoo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen dhammaanba goobihii lagu dagaallamay.

Ilo-wareedyo war-fidiyeenadu soo xiganayaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 25 askari oo u badan ciidamada Itoobiya lagu dilay dagaalladaasi saaka hiirtii waaberi ka bilawday deggaanadaasi ka tirsan gobolka Bakool.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in tirade ciidamada Itoobiya laga dilay ay ka badan yihiin 15 askari, Waxaanay xoogagga Al-Shabaab ay dagaalkaasi ku qabsadeen Gaadiid Xamuul ah iyo Saanado Milleteri.

Saldhig weyn oo ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen Mooro-gaabay ayaa ku dhacay gacanta Al-Shabaab, inta badanna degmooyinka iyo deggaannada gobolka Bakool isgaadhsiinta ayaa hawada ka maqan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *