15 Askari Itoobiyaan Ah Oo Maanta Lagu Laayay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Luuq.

Muqdisho (Raacdo.com):- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus oo ciidamada Itoobiya lagu qaaday ay dhaliyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerar dhabagal ah oo maanta gelinkii dambe ay ciidamada Al-Shabaab ka fuliyeen duleedka magaalada Luuq ayaa sida ay wararku xaqiijnayaan sababay dhimashada tobaneeyo ka tirsan Askarta ciidanka Itoobiya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Xoogagga Al-Shabaab ay weerarkan dhaba-galka ah u dhigeen ciidamada Xabashida Itoobiya xilli ay ku socdaalayeen deggaanka Baabuuro.

Idaacadda Andalus ee afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegtay in dhimashada ciidanka Itoobiya ay gaadhay 15 Askari iyo dhaawac intaasi ka badan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka dhaba-galka ah uu markii dambe isku bedelay dagaal saacada badan qaatay, waxaanay goob-joogayaal ku sugan degmada Luuq ay war-fidiyeenka u sheegeen in ay maqlayeen daryanka madaafiic iyo rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Sidoo kale dadka deggaanku waxey intaasi ku dareen in dagaalkaasi si uu ahaa mid si weyn loogu wiiqay Itoobiyaanka, iyadoo deggaankii dagaalku uu ka dhacayna ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *