100 Askari In Ka Badan Oo Ciidamada Ciraaq Lagaga Dilay Dagaallo Ka Dhacay Al-Anbaar.

Baqdaad (Raacdo.com):- Sida ay sheegayaan warar laga helayo dalka Ciraaq dagaallo culus ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedka magaalada Ramaadi ee xarunta gobolka Al-Anbaar.

Dagaalladii shalay ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 40 askar iyo maleeshiyaad shiico ah isugu jira, iyadoo maalintii sabtidana lasoo wariyay geerida in kabadan 60 askari.

War rasmi ah oo kasoo baxay dawlada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in Laba mujaahid oo ka tirsan guutada istish-haadiyiintu ay fuliyeen weerar naf-hrunimo ah kaas oo lagu bartilmaameedsaday saldhig ay leeyihiin ciidamada dawlada Ciraaq.

Labada nin ee weerarka fulisay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Abu Cumar oo kasoo jeeda dalka Ingiriiska iyo Abu Qutaybah oo Suuriyaan ah. Warka kasoo baxay dawlada Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in weerarkaa istish-haadiga ah lagu dilay laguna dhaawacay in ka badan 80 askar iyo maleeshiyaad iskugu jira.

Sidoo kale wakaaladda wararka Acmaaq ee taabacsan dawlada Islaamiga ah ayaa sheegtay in weerarkaas lagu naafeeyay ciidamo isku diyaarinyay in ay hareereeyaan magaalada Ramaadi.

Wakaaladda Wararka ee Acmaaq ayaa intaa ku dartay in ciidamada dawladda Ciraaq dhabarka lagaga jabiyay weerarro ay wadeen muddo Saddex maalmood ah.

Dhinaca kale ciidamada IS ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan ilaa Labo isku day oo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan deggaanka Abu Riisha halkaas oo dhawr gaadhi lagaga gubay Tobanaan askarina lagaga dilay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *